Dowladda Kenya oo cadeysay mowqifkeeda la xiriira aqoonsiga Somaliland

Kenya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hadal heynta ku saabsan aqoonsiga Somaliland, kaddib dooddii baarlamaanka UK ay dhowaan ka yeesheen arrintaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in Kenya ay Somaliland ula dhaqmeyso sida qeyb ka tirsan federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Somaliland aysan Kenya u soo gudbin codsi loogu aqoonsanayo dowlad madax bannaan.

“Kenya waxay Somaliland ula dhaqmeysaa sidii iney qeyb ka tahay federaalka Somalia, ilaa hadda ma jiro codsi nooga yimid Somaliland oo la xiriira inaan u aqoonsano dal madax banaan” ayey tiri wasiirka

Baalamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan gudhiisa dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannada iska taageen qaddiyadda Somaliland iyo sida ay dowladda UK ka yeelayso.

Omamo ayaa sidoo kale waxay kaga hadashay xiisadda Itoobiya. Waxay sheegtay in Kenya aysan illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -