Aqalka sare oo bilaabay fulinta dalab kaga yimid Madaxaweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta Mariyay Akhrinta 1 aad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Nafada Qaranka.

Hindise sharciyeedka ayaa ka soo gudbay Golaha Shacabka Baarlamanka ayadoo uu maray maanta akhrinta 1-aad waxaana lagu wareejiyay guddiga u xil saaran si looga shaqeeyo qeybaha xigo; Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wareejiyay.

Waxaa soo xaadiray 29 senator, Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada Haweenka Marwo Deeqa Yaasiin Xaaji.

Kulanka Waxaa shir gudoominyay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamad Axmad.

arintan ayaa ku soo aadeysa xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Aqalka Sare ugu baaqay inay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, kaasoo uu sheegay inuu aasaas u yahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -