Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Askar ay ku qabteen dagaalkii Sanguuni

Al Shabaab ayaa shalay galinkii dambe fagaare kuyaala Degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose waxa ay kusoo bandhigeen askar nool iyo kuwa dhintay ay kusoo qabteen dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha kuyaala degmada Jamaame , waxa ayna Al Shabaab halkaasi kusoo bandhigeen labo askari oo ay sheegeen in ay kusoo qabteen dagaalkii Baar Sanguuni iyo meydadka 6-asakri oo dagaalka lagu dilay.

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa ka hadlay fagaaraha lagu soo bandhigay askarta nool iyo kuwa geeriyooday ee katirsanaa ciidanka Milatarga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni.

Waxa ay sheegeen saraakiisha Al Shabaab ee fagaaraha ka hadlay in guulo waa weyn ka gaareen dagaalkii ay ku qaadeen deegaanka Baar Sanguuni, waxa ayna xuseen in weerarkaasi lagu dilay ciidan badan oo Mareykanku tababaray.

Dagaalkii xooganaa ee shalay subax ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ayaa siyaabo kala duwan waxaa guulo waa weyn uga sheegtay Dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamo huwan ah iyo kooxda Al Shabaab oo hadda socda

Cabdi Cade

Digniin laga bixiyey macluul dunida ku soo wajahan & hal arrin oo sabab looga dhigay

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha ciidamada Itoobiya ee jooga Jubbaland iyo Arrinta Gedo oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---