(Daawo Sawirro) Somaliland oo go’aano culus soo saartay, una digtay dowlada Somalia

Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi aya laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen arrintaas

Fadhiga golaha wasiirrada Somaliland oo laga soo saaray go’aamo lagu bogaadinayo dooddii Baarlamaanka UK ka yeesheen qaddiyadda Somaliland, ayaa waxa halkaas ka akhriyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana uu goluhu go’aamiyey,

 Goluhu wuxuu mahad-naq u diray Baarlamaanka Dalka UK, isagoo uga mahad-celinaya dooddii ku saabsanayd qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

 Goluhu waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqay Xildhibaanadii taageeray in Somaliland la aqoonsado oo uu ugu horreeyo xildhibaan Gavin Williamson.

 Goluhu waxa uu mahad-naq u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka UK oo mar kasta kaalin muhiim ah ka qaata dar-dargelinta qadiyadda Somaliland.

 Goluhu waxa uu baaq u diray dhammaan Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan caalamka intiisa kale iyo muwaadiniinta Somaliland ee dalka joogtaba inay difaacaan qaddiyadda Somaliland iyo hawlaha ictiraaf raadinta ee socda, kuna difaacaan Af iyo qalinba.

 Goluhu wuxuu shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay u guntadaan sidii looga miro dhalin lahaa qaddiyadda  madax-bannaanida Somaliland,

 Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibaddiisa inay samayeen hal  Milyan oo saxiix (Petition) oo ay dunida kaga dalbanayaan xaqooda helitaanka ictiraaf caalami ah.

 Goluhu waxa uu digniin culus u diray dawladda Muqdisho ee caadaysatay farogelinta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

“Goluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar”.ayuu yiri Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -