Guddigii uu magacaabay C/wali Gaas oo soo saaray shuruudaha Xildhibaanada cusub ee Puntland

Guddigii xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka ee uu dhawaan magacaabay, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga rabo xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Guddiga oo xiganaya qodobka 61-aad ee dastuurka Puntland oo qeexaya shuruudaha lagaga mid noqon karo golaha wakiilada Puntland, ayaa ku xiray xildhibaannada inay buuxiyaan lix qodob oo kala ah:-

1- In uu yahay muwaadin ka soo jeeda Puntland ah, Muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanagsan, Miyirkiisu dhan yahay ,da’diisuna aanan ka yareyn soddon sanno 30 Jir.

2- Inaan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin 5tii sanno ee la soo dhaafay.

3- Inuu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

4-Inuu keensado habraacii soo xulista xubinnimada reerkiisa

5- Inuu keensado shahaado dugsi sare iyo wax u dhigma

6-Inuu keensado labo sawir iyo taariikh nolaleedkiisa (CV)

Qabashada araajida qofka buuxiyey sharuudahan waxay billaaban doonta 10/12/2018, waxayna ku eegtahay 15/12/2018, sida uu sheegay guddiga.

Guddigan ayaa shaqadiisa billaabay xilli uu jiro guddi kale oo u isna dhawaan magacaabay madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/xakiin Camey inkastoo xubno ka mid ah guddigaas ay is casileen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -