Maxaa ka dhalan kara haddii aan la qaban madaxda dembiyada ka gala dalka iyo dadka?

Dowladii Farmaajo waxey gashay dembiyo u baahan in lagu maxkamadeeyo masuuliyiinta geystey dembiyadaas. Shacabka Soomaaliyeed waxey la socdaan in madaxweynihii hore Mudane Farmaajo uu sameeyey isku day uu xukunka xoog ku sii joogayey iyo ineysan doorasho dalka ka dhicin wakhtigii loogu talagalay, taas oo sababtay in mudo dhan hal sano iyo shan bilood uu xukunka dalka sharcidarro ku haystey, waxeyna taas horseeday in isku dayo dilal lagu sameeyey madaxweyneyaal hore iyo masuuliyiin kale oo uu dhiig ku daatay difaacidooda. Sidoo kale wuxuu dagaal dhexmaray ciidanka dowladda oo qeybna ay taagereysey mudo kordhinta sharcidarrada ahayd, qeybta kalana ay ka soo horjeedey ansixinta xukun dheereysiga lagu carqaladeynayey in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Raisul wasaarahii dowladda Farmaajo oo madaxa ka ahaa xukuumadda Mudane Kheyre isagoo talowadaag la ah Farmaajo iyo Fahad wuxuu amray dilka 5 ilaalo oo waardiyeynayey Musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame, wuxuuna qasadka ficilkaas uu ahaa isku day dil oo laga soo qorsheeyey madaxtooyada Soomaaliya, falkaas oo natiijadiisu aysan u dhicin sida ay ku wada qanacsanayeen Farmaajo, Fahad, iyo Kheyre, waxaana falkaas fuliyey gacan ku dhiigle idman oo qorshuhu ahaa in isaga dusha laga saaro dembiyada dhacay haddii sida loogu talogalay uu u fuli lahaa bartilmaameedka loogu talo galay in la khaarajiyo. In kasto Mudane CCW sida hadda muuqata uu ku qancay in wixii isaga iyo ilaaladiisa lagula kacay laga bixiyo raali gelin, haddana cadaalad u helida dhibaneyaashaas waa xaq ay shacabku ku leeyihiin dowladooda.

Waxaa saraakiil iyo dad rayida si qorsheysan loogu geystey dilal inta badan laga soo maleegey hayada nabad sugida intii uu madaxda ka ahaa Mudane Fahad Yasin oo wada shaqeyn ka baxsan xilka uu dowladda u ahayey si qaldan ugu adeegayey dowladda Qatar oo la og yahay iney gacansaar xoogan la lahayd xagjiriinta dagaalka argagaxisonimada kula jira shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Waxey shacabku u baahan yihiin in cadaalad loo helo qoysaska Ikraam Tahliil iyo Xildhibaanad Aamino oo si abaabulan oo ay nabadsugidu ku lug leedahay loo diley, iyadoo falalkaas ay ka mid ahayeen argagixinta lagu cabsi gelinayey hawlwadeenada dowladda si ay faraha ugala baxaan dabagalka lagu sameynayey shirqoolada ay dowladu maleegeen. Waxaa sidoo kale la rumeysan yahay in Gen. Galaal uu ku dhintay dil qorsheysan oo ay iska kaashadeen nabadsugida iyo  argagixisada xagjiriinta Alshabaab.

Haddii ay dhacdo in falal dambiyeedyadaas aan waxba laga qaban waxey taas horseedeysaa in madaxda dowlad walba oo dhalata ay sameyso xadgudubyo aan lagala xisaabtameyn, waxeyna taas dowladnimada dalka ka dhigeysaa awood rayidka  loogu geysto dembiyo waaweyn oo jiilba jiilka ka dambeeya u gudbiyo habdhaqankaas noqon doona caado dowladnimo. Dowladda Madaxweyne HSM haddii ay dhab ka tahay in dalka lagu maamulo cadaalad xaqsoor wanaagsan leh, waxqabadkiisu ha gaarsiiyo heer in madaxdii hore dambiyada ay galeen laga gudo oo dacwooyinkooda la hor geeyo maxkamadaha si taas ay ugu quus qaataan madaxda dambe oo ay ogsoonaadaan awooda dowladda oo ay ku galeen dembiyada in lagala xisaabtami doono oo aysan uga gamban Karin cadaalada xasanaadka ay huwan yihiin.

Cadaalad u helida shacabka waxey ka bilaabataa kala xisaabtamida madaxda dowladda dembiyada ay u geysteen shacabka, iyagoo si xun u adeegsanaya awooda iyo hantida dowladda. U xaqsoorida shacabka laguma raadin karo oo keliya in dadka aan masuuliyiinta ahayn oo ah rayidka masaakiinta ah in lagala dul dhaco ciqaab ah cadaaladdaro lagu duudsiiyo xuquuqdooda noolaashaha, Meesha madaxdii iyo masuuliyiintii gashay dembiyada waaweyn aysan wax caqabada kala kulmeyn xukunka cadaaladda dowladda. Madaxweyne HSM shacabka ha u cadeeyo in cadaalada dowladnimadiisa ay tahay mid ay dadka dhan u wada siman yihiin garsoorkeeda ama uu yahay mid u gaara iney ciqaabo ku fuliso oo keliya shacabka danyarta ah oo aan awoodin xasanad ay isaga xijaabaan dembiyada ay galaan, cadaaladaas oo dembiyada ay galaan masuuliyiinta xilalka dowladda soo qabtay ama hadda haya ka dhigeysa banaanka ciqaabaha ay muteysan karaan.

W:Q Prof. Saciid Ciise Maxamuud
Guddoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
Maine, Texas, USA

Fiiro gaar ah: Fikrada qoraalkan waxay u gaar tahay shaqsiga ku saxiixan, kama tarjumeyso aragtida Allbanaadir Online, waana fursad u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa isagoo aan cidna ku xad gubeynin..

- Advertisement -