Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo soo fara geliyey khilaafka Somalia & Itoobiya

Midowga Yurub & Itoobiya ayaa ka wada hadlay arrimaha Badda Cas & Soomaaliya, waxayna isku raaceen Iskaashi amni, oo ay ku jiraan ka wada shaqeynta sidii xal loogu heli lahaa dagaalka Suudaan oo ay Itoobiya hadda ku jirto door-dhexdhexaadin ah.

Sidaasi, waxaa sheegtay wasaaradda Arrimaha dibada, markii ay wada hadal yeesheen wasiirka arrimaha dibada Itoobiya Taye Atske Selassie iyo Dr Annette Weber Ergayga Midowga Yurub ee Geeska Afrika qaabilsan.

Maalmo ka hor, wafdi kasocda Midowga Yurub ayaa tagay Muqdisho Soomaaliya, waxayna la kulmeen masuuliyiinta DFS oo ay kala hadleen arrimaha khilaafka Itoobiya & Soomaaliya, ee kiiska badda sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo muhiim ah.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada caalamiga ah ee ka hor yimid heshiiskii badda ee Itoobiya la gashay Somaliland, waxayna ku baaqeen in la ilaaliyo madax banaanida dhuleed ee Somalia.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo degaano ka tirsan Puntland u dirtay..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Janaraaal Odawaa oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dowlada Ruushka oo Eedeyn xoogan loo soo jeediyay 

admin
Taboola Ads ---