Dad ku fashilmay in ay Dilaan Abiy Ahmed oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamad kutaala magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa lasoo taagay dad loo heesto in ay ka dambeeyeen weerar bambaano oo la doonayay in lagu dilo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Dadkan Maxkamada lasoo taagay oo gaaraya shan ruux ayaa loo heestaa in ay ka dambeeyeen bambaano 23-kii bishii Juun lagu tuuray fagaaraha Meskel Square uu xiligaasi kumanaan dad ah kula hadlayay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Weerarkan bambaano ee la doonayay in lagu dilo Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed waxaa ku dhintay labo ruux halka ay ku dhaawacmeen dad kale badan, waxaana weerarkan ka bad baaday Abiy Ahmed oo goobta si deg deg ah looga saaray.

Dadka loo heesto weerarkan fashilmay ayaa markii Maxkamada lasoo taagay la sheegay in wajiyadooda uu ka muuqday argagax badan , waxaana magacyada dadkan lagu sheegay Getu Girma, Birhanu Jafar, Tilahun Getachew, Bahiru Tollosa, iyo Desalegn Teafaye .

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in dadkan la tuhunsanyahay in ay yihiin dad kasoo horjeeda Talada Ra’isul Wasaaraha waxa ayna  aaminsaneyn in Mr Abiy uu badbaadin karo danaha qoomiyadda ugu tirada badan dalkaas ee Oromada.

Waxaa  sidoo kale dacwad oogeyaasha laga soo xigtay in eedeysaneyaasha la maxkamadeynayo ay doonayeen in ururkii mar la mamnuucay ee oromada(OLF) loo oggolaado iney dib u billaabaan hogaaminta dalka.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay Itoobiya ka sameeyay isbadalo waa weyn , waxa uuna wadahadalo la furay ururadii mucaaradka halka uu sidoo kale la heshiiyay dowlada Eritria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -