Al-Shabaab oo saaka dagaal ku qabsatay Saldhig ay leeyihiin Ciidamada dowlada

Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay degaanka Daynuunay oo ku dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Bay kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Sida wararku nagu soo gaarayaan dagaalkan ayaa bilowday markii dagaalyahano fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhig ciidamada Xoogga dalku ku leeyihiin Deynuunay.

Daryanka rasaas culus iyo qaraxyo ayaa saaka laga maqlayey degaanka Daynuunay, kuwaasoo ka mid ah hubkii ay isku adeegsanayeen dhinacyada halkaas isku fara saaray.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in xoogaga Al-shabaab ay gebi ahaan la wareegeen saldhig ay halkaas ku lahaayeen ciidamada dowlada ka dib markii ay isaga baxeen askartii ku sugneyd.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dab qabad siiyeen qeybo ka mid ah saldhigaas ayna qaateen agab milateri oo ay lahaayeen ciidamadii degenaa.

Ciidamada dowlada oo gurmad uu uga yimid Magaalada Baydhabo ayaa la sheegay iney dagaal rogaal celis ah ku qaadeen Deynuunay, waxaana labada dhinac halkaas ku dhexmaray dagaal culus, iyadoo xaalad hubaal la’aan ah ay ka jirto degaanka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalkan kaasoo kala gaaray dhinacyada halkaas ku hardamayey iyo shacabka degaanka inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay dhinacyada dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -