Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kumaandoska Danab oo 17 dagaalyahan ka dilay Duleedka degmada Bu’aale (Sawirro)

Ciidanka Kumaandoska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa caawa burburiyey saldhig ay al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka Welmaaro ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney halkaas ku dileen ilaa 17 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

“Tiro Maleeshiyo ah oo dhawaan ka soo qalin jabiyey dugsi isqarxinta lagu baro dhallinyarada Cadowgu qalday oo ku yaala deegaanka Caanoole ee duleedka Degmada Bu’aale ayaa howlgalka lagu beegsaday waxaana halkaas lagu gaarsiiyay khasaare xooggan” ayaa lagu yiri War ay soo saareen saraakiisha ciidamada.

Waxay intaas ku dareen Saraakiisha Al-shabaab lagu laayey howlgalka caawa ay u badnaayeen dagaalyahano ajaaniib ah inkastoo aysan sheegin dalalka ay ka soo jeedaan.

Sawiro laga helay qaar ka mid ah ragga la dilay telefanadooda ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaasoo ahaa sawirro ay horey isaga qaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay doorashadii Madaxweyne Qoorqoor (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliyihii hore ee NISA oo shaaciyay Madaxda qaar ay rabaan in Al Shabaab dalka sii joogaan

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay xarigii loo geestay wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---