Wasiir Soomaali ah oo Shaqadiisa ku waayay cod laga duubay oo lagu baahiyay Baraha bulshada!

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa dhawaan xilka ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta maamulkaasi Ugaas Xasan Cabdi, kadib cod sir ah oo laga duubay Wasiirka oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa waxaa cod sir ah ka duubay nin ay saaxiibo ahaayeen, waxaana Wasiirka codka laga duubay laga dheehanayay sida uusan ula dhacsaneyn qorshe mudo kororsi ah uu damacsanaa Madaxweyne Laftagareen.

Ugaas Xasan ayaana xaqiijiyay in uu sax yahay codka sida sirta ah looga duubay, waxa uuna sheegay in uusan fileyn in arinta sida sirta ah uga wada hadlayeen qofka uu ku kalsoonaa in uu ku baahin doono baraha bulshada ayna sababi doonto xil ka qaadis.

“Madaxweyne Laftagareen waxaa uu rabaa in uu iswaafajiyo muddo xileedkiisa iyo kan baarlamaanka hadda jira marka la gaaro kalafadhigga koowaad ee baarlamaanka, si aysan usoo dooranin madaxweyne mustaqbalka oo waxaa uu rabaa in uu madaxweynaha been kusoo xarageliyo xildhibaanada, kadibna uu buriyo”, ayuu Ugaas Xassan ku yiri codka maqalka ah ee laga duubay ee lagu baahiyay baraha bulshada.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa codka laga duubay laga dhex maqlay in qofka uu ku xan-qarsanayo uu bannaanka soo dhigo waxa jira, loona baahan yahay in waxa ay damacsan tahay madaxtooyada bannaanka lasoo dhigo oo dadku ay ogaadaan.

Ugaas Xasan ayaana sheegay in caro ka dhalatay codkaasi sirta ah ee laga duubay xilka looga qaaday, waxa uuna cadeeyay qofkii codka ka duubay uu ku kalsoonaa in uu ka raali galiyay kana dalbaday in uu cafiyo.

“Ma khaldame waa Alle, walaalkey codka iga duubay wuxuu qiray in uu khaladamay, dembina ay ahayd waxa uuu sameeyay, annigana waxaan go’aansaday in saaxibka sida khaldan codka iiga duubay aan cafiyo”, ayuu yiri Ugaas Xasan.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa ahaa wasiirkii ugu waqtiga dheeraa maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna kamid ahaa wasiiradii lasoo shaqeeyay aadna ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee K/G Shariif Xasan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -