Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Shir Wadatashi ah ka furay magaalada Jowhar (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta daah furay Madasha Wadatashiga Agaasimayaasha guud, Xiriiriyeyaasha Mashaariicda iyo Lataliyeyaasha sare oo looga hadlayay dardargelinta howlaha hortabinta u leh Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa intii uu socday waxaa si qota dheer looga hadlay dhisidda nidaam wax ku ool ah ee xiriirka iskaashiga Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Hay’addaha Dowladda, Caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran geedi socodka Dowlad dhiska Hirshabeelle, Dib u eegista fulinta halbeegyada howlaha afarta tiir ee barnaamijka Xukuumada, iyo Ka mira dhalinta barnaamijyada ay hay’addaha Dowladda la fuliyaan saaxibada beesha Caalamka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Agaasimayaasha guud ee Wasaarradaha ay lafdhabar u yihiin horumarinta, dejinta iyo hirgelinta qorshaha Xukuumadda ayna wakiil ka yihiin hay’adda Dowladda, isagoo ku adkeeyay inay laba-laabaan gudashada waajibaadka saaran.

Related posts

Nin 100-sano jir ah oo dil u xirnaa oo 18-sano kadib xabsi laga sii daayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabdikariin Qalbi-dhagax oo booqanaya labo ka mid ah dowlad goboleedyada Somalia

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo qabtay baabuur qalab ku rarneyd iyo dad uu ku jiro nin Ajnabi ah

Cabdi Cade