Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan dowladda oo Su’aallo laga weediiyay xisaab xirka Miisaaniyadda ee…

Guddiga maaliyadda Iyo miisaaniyadda ee labada Aqal BJFS ayaa kulan la qaatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay xoghayaha guddiga miisaaniyadda, maaliyadda qorsheynta Iyo la xisaabtanka hay’addaha dowladda ee Golaha Shacabka ,waxa ay xubnaha guddiga Wasiir ku xigeenka iyo xisaabiyaha guud ay su’aalo ka weydiiyeen xisaab-xirkii sannadkii 2022.

Sidoo kale guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa kulan la qaatay hanti dhowrka guud ee Qaranka oo ay ka wada hadleen arrimaha xisaab-xirkii sannadkii hore ee 2022.

Xubnaha guddiga ayaa su’aalo ku saabsan xisaab-xirkii ku dhamaaday 31-kii bishii December 2022 weydiiyay hanti dhowrka ee Qaranka, waxaana dhankiisa uu ka jawaabay su’aalaha xubnaha guddiga ay weydiinayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoonka Aqalka Sare oo yeeshay kulan ay dhoor arrimood uga hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade

R/Wasaaraha Itoobiya oo ka dhoofay Muqdisho iyo Kheyre oo sii sagootiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Kursigii Xildhibaanimo ee Taliyaha NISA oo lagu guuleestay iyo ninkii loo xiray oo kusoo baxay (Sawiro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---