Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Loolankii Kenya & Jabuuti ee Golaha amaanka QM oo lagu kala baxay

Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga aan joogtada ahayn ee Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kenya oo laga doonayey inay hesho 128 waxay heshay 129, halka Jabuuti oo la loolameysay ay heshay 62 cod.

Codeynta maanta ayaa ahayd tii labaad, kadib markii dalalka Jabuuti iyo Kenya ay shalay isku mari waayeen codeyntii loo qaaday.

Codeyntii shalay ayaa waxa ay Jabuuti heshay 78 cod, halka Kenya ay heshay 113 cod, hase yeeshee midna ma helin 128-ka cod ee loo baahnaa in la guuleysto, taasi oo qasabtay in maanta lagu noqdo codeyn kale.

Waa markii saddexaad oo ay Kenya ku guuleysato kursiga, waxayna ku fadhin doontaa laba sano, waxayna xoojineysaa galaangalka Kenya u leedahay sheegashada badda Somalia iyo dacwada hortaala Maxkamada ICG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Soomaaliya oo War kasoo saartay Doorashadii ka dhacday magaalada Garawe

Cabdi Cade

Khilaafka Soomaaliya Iyo Imaaradka Oo Sabab U Noqonaya In AMISOM Aysan Ka Bixin Dalka 

Cabdi Cade

Hooyooyin Ilmeenaya oo banaan bax ka dhigay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---