Maxaa ka soo baxay waanwaantii xalay laga dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble?

Waxaa illaa xalay saqdii dhexe ka socotay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waan-waan laga dhex waday Madaxweynaha xiligu ka dhamaaday ee Somalia Farmaajo iyo Raisul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Rooble, kuwaasoo maalmahan khilaafkoodu gaarey halkii ugu sareysay.

Waanwaanta waxaa horkacayey Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, iyadoo uu qeyb ka ahaa Madaxweynaha Koonfur galbeed Laftagareen, kuwaasoo shalay soo gaaray Muqdisho.

Labada masuul ayey wararku sheegayaan iney ku hormareen Rooble, iyagoo dhegeystay tabashooyin badan oo uu ka tirsanaayey dhanka Madaxweynaha, wuxuuna dalbaday in loo sameeyo labo arrimood oo kala ah in Bashiir Goobe loo fasaxo xilka uu isagu u magacaabay ee taliyaha NISA iyo laga hor wareego cadaalad u raadinta Ikraan taliil.

Intaa ka dib Qoorqoor iyo Laftagareen ayaa kulan kale la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo dhinaciisa rooble ka tirsanaayey eedo fara badan, wuxuuna Farmaajo la yaab ku tilmaamay sababta uu Rooble dagaalka siyaasadeed u sii wado mar haddii uu baxay Fahad Yaasiin oo ahaa taliyihii hore ee NISA.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooble iyo Farmaajo ay ka ogolaadeen masuuliyiinta dhexdhexaadinta waday ineysan qaadin talaabooyin kale oo xaalada uga sii dari kara inta waanwaantu socoto.

Qoor-qoor iyo Laftagareen ayaa lagu wadaa iney maanta gelinta dambe halkeeda ka sii wadaan waanwaanta ay bilaabeen, waxaana la sheegay in labada masuul ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in xal laga gaari doono khilaafka hareeyey Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -