Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu taliye Diyano kala shiray Saraakisha Booliska DF?

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa guddoomiyey shir ka dhacay  xarunta Taliska Ciidanka Booliiska kaas oo looga hadlay arrimaha amniga caasimada iyo u diyaar garowga sanad-guuradii 81-aad ee aas-aaska Booliiska.

Taliyaha Ciidanka Booliiska waxaa ku wehliyey Shirkan T/Xigeenka Ciidanka Booliiska S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) , waxaana si gaar ah diiradda lagu saaray qiimeynta howl-gallada amniga ee ka socday Muqdisho iyo Guud ahaan gobollada dalka.

Sidoo kale waxaa Warbixin laga dhageystey Guddiga uu Taliyuhu u xil-saaray qaban-qaabada munaasabadda iyagoo Guddiga kulanka kusoo bandhigay qorshayaasha xuska sanadkan, oo lagu wado inuu ka duwanaado sanadihii hore.

Related posts

Muwaadiniin u dhashay dalka Sacuudiga oo laga soo eryey Maraykanka

Caydiid Ali

Macalimad si ay Ardaydeeda u jecleysiiso Wax-barashada Fasalka uga dhigtay Mid Ashqaraar leh! (Sawirro)

Cabdi Cade

Khilaafkii ka dhashay doorashadii Jubbaland oo heshiis rasmi ah laga gaaray (Akhriso Heshiiska)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---