Israa’iil oo ugu dambeyn heshiis xabad joojin ah la gaartay kooxda Xamaas

Israa’iil iyo Xamaas ayaa waxay caawa ku heshiiyeen xabad joojin ka dib  11 maalmood oo ay isweysaarsanayeen duqeymo culus.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada dalkaas uu si wadajir ah u aqbalay xabad joojinta oo ay garwadeen ka tahay dowlada Masar.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa iyana markaa kadib xaqiijiyey xabbad-joojinta oo la sheegay inay dhaqan galeyso caawa  2:00am saqda dhexe ee habeenimo

Ugu yaraan 232 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 65 carruur ah, ayaa lagu dilay 11 maalmood oo qaraxu yahay Israel, halka Dhinaca Israel, 12 qof, oo ay ku jiraan laba caruur ah lagu dilay duqeymaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -