Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ka dhacay degaanka Xamar-Jadiid ee degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho !!

Jimce 17 april 2015, ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay weerar la sheegay in lala beegsadey, nin magaciisa lagu sheegay Cabdikariin Xuseen Fiidow, xaafada Xamar-Jadiid ee degmada Wardhiigley, magaalada Muqdishu, Khamiistii abaarihii 08:00-dii fiidnimo, sida laga soo xigtay goob joogayaal

”Afar nin oo dabley oo wajiigooda soo qariyey ayaan rasaas aan loo meel deyin ku furay macalin Cabdikariin Xuseen wax yar ka dib salaada Cishaha ee caawa, asaga oo sii gelaya gurigiisa. Sheekha waa uu ka bad-baadey weerarkaasi, laakiin xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa waxyeelo ka soo gaartey” sida uu noo xaqiijeyey goob jooge ka gaabsadey magaciisa sababo xaga amaanka.

Dableydiii weerar geysatey ayaa la sheegey inay ka baxsadeen goobtaasi, sida caadada ah waxaa muddo ka dib halkaasi soo gaarey ciidamo ka tirsan dawlada,kuwaasi oo halkaasi ka sameeyey baaritaano.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa isna u xaqaajiyey saxaafada guduha (Muqdisho) weerkaasi, asagoo ku nuuxnuuxsadey in ciidamada nabadgelyada ay ku raadjoogaan dambiilayaasha geeystay falkaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu weerar qorsheysan lagu qaado dadka waxgaradka, sida culimaa udiinta, aqoonyahanda iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda xag-jirnimda, mana jirta hay’ad heer gobol ama heer qaran, oo u istaagta difaaca shacabkeeda.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa Kuma Musharaxa uu Shariif Xasan la rabo Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida ku timid Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil

Cabdi Cade

Madaxweyne Saciid Deni oo wareegto ku Magacaabay xilal cusub (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---