Allbanaadir.com
NEWS

Labo Dhalinyaro ah oo goordhaw lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan ayaa goordhaw degmada Waabari gaar ahaan agagaarka Baar ha i dhaafin waxa ay ku dileen labo nin oo dhalinyaro ah oo halkaasi ku sugnaa.

Warar horu dhac ah oon ka helnay dadka deegaanka ayaa noo sheegay in labada wiil ee lagu dilay Degmada Waabari ay katirsanaayeen ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya gaar ahaan kuwa dharcadka.

Kooxdii toogatay labada dhalinyaro ee katirsanaa ciidanka dharcadka ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib halka dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida kuwaa oo meydadka raga la dilay goobta ka qaaday.

Dilkan ayaa imaanaya xili saakay isgooska Siinay ee Muqdisho sidaan oo kale loogu dilay sadex askari oo katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya kuwaa oo dilka kadib horey looga sii qaatay hubkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad lagu weeraray guriga Netanyahu iyo fashil ku yimid nidaamka difaaca

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo caawa toogtay nin hubeysan oo dili rabay askari

Caydiid Ali

Lix waddan cusub oo ku biiraya Ururka BRICS oo la shaaciyay iyo Dalal Carbeed oo ku jira

Cabdi Cade
Taboola Ads ---