Dowlada federaalka oo duulaan ku ah Kismaayo iyo baaq loo diray beesha Caalamka (Akhriso)

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowlada federaalka Soomaaliya in ay wado qorshayaal ay xiisad uga abuureyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

War Saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowlada federaalka  ay duulaan ku tahay magaalada Kismaayo, waxa ayna Jubbaland sheegtay waxii khasaaro ah ee halkaasi ka dhasha in masuuliyadeeda qaadeyso dowlada federaalka.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in xayiraada dhinaca diyaaradaha ee dowlada federaalka kusoo rogtay magaalada Kismaayo in ay ka dhasheen dhibaatooyin shacabka soo gaaray .

” Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in xayiraadda iyo cunaqabateynta sharci darrada ah laga qaado shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeyntan culus ee uga timid maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe oo mar kale lagu doortay Kismaayo doorasho natiijadeeda shaki badan la galiyay.

Khilaafka ka dhax aloosan dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa xiligan maraya meeshii ugu xumaa, waxa ayna dowlada cadeesay in sharci daro tahay dib u doorshada Axmed Madoobe iyadoona dowlada xayirada kusoo rogtay maamulka Jubbaland.

Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Jubbaland

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -