Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa saakay qarax miino oo wadad dhinaceeda lagu aasay lagu weeraray gaari nuuca dagaalka ah oo loo yaqaan Cabdi Bille xili uu marayay wado dhax marta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu dhacay markii gaariga tiknikada ah goobtaasi ka gudbay, waxaana qaraxa uu haleelay mootooyin nuuca bajaajta ah oo marayay halka qaraxu ka dhacay.

Ciidamadii saarnaa gaariga qaraxa lala damacsanaa ayaa la sheegay in ay ka bad baadeen qaraxa, waxa ayna waxyeelo qaraxan kasoo gaartay dad shacab ah oo qaarkood la socdeen mooto bajaaj.

Qaraxyada miino ayaan inta badan looga baran in ay ka dhacaan gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah oon waxbo galabsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo xariga ka jaray qeyb lagu kordhiyey Isbitaalka Gelinsor

Caydiid Ali

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood iyo Somaliland oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Dagaal dhiig badan uu ku daatay oo dhexmaray Milateriga India & Shiinaha (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---