Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso Mooshinka laga gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Xildhibaanno badan oo katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa mooshin dib loogu eegayo xilka iyo shaqada uu hayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi u gudbiyay guddoonka Golaha Shacabka.

Mooshinkan laga gudbiyay wasiir Axmed Fiqi ayaa salka ku haya in uu curyaamiyay shaqadii wasaaradda arrimaha dibadda, waxa uuna masuuliyiinta kale ee wasaaradda sida wasiiru dowlaha iyo kuxigeenkiisa ka dhigay saxiixyadooda kuwa aan shaqeyn.

Axmed Fiqi ayaana shaqadii wasaaradda oo dhan ku ritay kumbuterkiisa gaarka ah, waxa uuna waaaradda ka dhigay mid aysan shaqo ka jirin oo kaliya loo tago fadhi ku dirir, waxa uu sidoo kale hoos u dhac weyn ku keenay diblumaasiyadda Soomaaliya uu magaceeda huwan yahay.

Xildhibaannada mooshinka ka gudbiyay ayaana doonaya in lagu ciqaabo wasiirka dhibaatada uu ka wado gudaha wasaaradda, waxa ayna ku eedeeyeen in magacxumo usoo jeediy Axmed Fiqi , haddaan wax laga qaban shaqada Qaranka uu ku aamniyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dabley hubeysan oo fal dil ah ka geysatay Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo ka carooday Khariidad DFS soo saartay kana digay Dagaal

Cabdi Cade

Dadka dalka Ugandha ugu dhimanaya cudurka Ebola oo sii kordhaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---