Nin dadka ku dhici jiray in uu yahay Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Ciidamada amaanka ee ka howlgala degmada Dayniile ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan nin burcad hubeesan oo dadka shacabka ah ku dhici jiray in uu katirsan yahay dagaalyahanada Al Shabaab.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Cabdi Cismaan ayaa inta badan dhac ka geesan jiray xaafado katirsan magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada kuyaalla duleedka Caasimadda, sida Dayniile iyo xaafado kale oo inta badan ciidamada ku badneen.

Muuqaal laga duubay ninkan ayuu ku sheegay in dadka inta badan ka qaadan jiray moobeelo, isaga oo isaga dhigi jiray in uu katirsan yahay Waliyaadada Al Shabaab ee gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay ninkan burcadka ah in dad badan ka qaatay moobeelo waa weyn , waxa uu sidoo kale sheegay in dadka qaar iyana lacago baad ah ka qaatay isaga oo isaga dhigayay sargaal katirsan Al Shabaab.

Saldhiga ciidamada booliiska degmada Dayniile ayaa loo gudbiyay ninkan oo sidoo kale lagu eedeeyay in dumar kufsaday, waxa uuna ninkan sheegay in tuugnimadiisa aheyd mid xarfaanimo ay ku jirtay.

Magaalada Muqdisho muddooyinkan waxaa kusoo badanayay burcad nuucyo kala duwan oo dadka dhac iyo dhibaato kalaba ku haya, burcadan ayaana isugu jira kuwa dhac toos ah dadka u geesta iyo kuwa si xeeladeesan dadka ku dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -