Ajnabi kasoo dhinac dagaalamay Al Shabaab oo lagu riday Xukun adag

Maxkamad ku taalla Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa 35-sano oo xabsi ah waxa ay ku riday nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu helay in uu kasoo dhinac dagaalamay kooxda Al Shabaab.

Maalik Alim Jones oo 33 jir ah ayaa lagu helay dambi ah in uu tagay Soomaaliya kana mid noqday dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna ninkan qeyb ka noqday dagaalyahanada Jaysh Ayman ee ka dagaalama gudaha Kenya.

Garsoore Paul Gardephe oo ka tirsan Maxkamadda Manhattan ee Gobolka Maryland ayaa sheegay in Maalik lagu xukumay 35-sano oo xabsi ah kadib markii uu tagay Soomaaliya  sanadkii 2011-kii kuna biiray Kooxda .

Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Maalik Alim Jones 7dii bishii December sanadkii 2015kii, waxaana xiligaasi Maalik uu la socday doon kusii jeeday dalka Yaman.

Kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalka Kenya ayaa waxaa ku jira ajaaniib wadamo kala duwan ka yimid, ajaaniibta qaarkood ayaana dagaalo lagu dilay halka kuwa kalana la qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -