Laami cusub oo la saaray Mid ka mid ah jidadkii burbursanaa ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Wadada Muhiimka dhinac marta xeebta Liido oo ku taalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlo dib u dhis ah iyadoo laami cusubna la saaray.

Jidkan ayaa waxaa ka jiray burbur baaxada leh oo gaadiidku ay dhibaato badan ku qabeen ka dib markii 28-kii sanadood ee la soo dhaafay aan lagu sameynin wax dayactir ah, waxaana ka dhex sameysmay godad ay sababeen daadadka roobabka.

Dowlada Somalia oo kaashanaysa dhinacyo kala duwan ayaa sabab u noqotay dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameynayo wadadan oo uu dhagax dhigay raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre, waxaana la saaray laami cusub oo dib u soo celiyey bilicdii ay laheyd.

Shacabka ku nool xaafadaha ku teedsan wadada iyo ganacsatada xeebta Liido ayaa si weyn u soo dhoweeyey dib u dhiska lagu sameeyey wadadan, waxayna sheegeen iney u hamuun qabeen iney arkaan iyadoo dhisan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -