Boqor Salmaan oo martiqaad aan la fileyn u diray Amiir Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad aan horey loo fileyn waxa uu u diray Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, waxaana Amiirka Qadar lagu marti qaaday shir ka dhacaya Sacuudiga.

Amiirka dalka Qadar ayaa lagu martiqaaday in uu ka soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December, waxaana shirkan kasoo qeyb galaya Madax kala duwan.

 

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Qadar ayaa shaacisay in Martiqaadka Boqorka Sacuudiga uu soo gaaray Amiirka Qadar, mana sheegin wakaalada in Amiirku uu aqbalay martiqaadkaasi iyo in kale.

Sacuudiga iyo Isbaheysisa uu hogaamiyo ayaa horey xiriirka ugu jaray dowlada Qadar , lamana oga go’aanka ay dowlada Qadar ka qaadan doonto martiqaadka uga yimid Boqorka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -