Abuu Mansuur oo goordhaw laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde iyo Laamaha amaanka oo …

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad gaar ah oo magaalada Baydhabo kasoo qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta magaaladaasi laga soo xiray.

Diyaarada Abuu Mansuur kasoo dajisay garoonka Aadan Cadde waxaa la socday ciidamo gaar ah oo katirsan booliiska Soomaaliya, waxaana garoonka Aadan Cadde markii la keenay Abuu Mansuur horey laga saaray gaari loo sii diyaariyay.

Sida aan Wararka ku heleyno Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa loo gacan galiyay saraakiil katirsan laamaha amaanka gaar ahaan NISA oo garoonka Aadan Cadde ku sugayay, lamana oga halka ay la aadeen Abuu Mansuur.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dambeesay xariga maanta loo geestay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mnasuur, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada oo ku aadan xariga Abuu Mansuur iyo keenistiisa Muqdisho.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -