Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo goordhaw lagu dilay magaalada Cape Town

Kooxo burcad hubeysan ayaa goordhaw deegaan lagu magacaabo Gugulethu oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa dukaan ganacsi uu ka shaqeenayay.

Sida aan wararka ku helnay burcada hubeysan ayaa dhoor xabadood ku dhuftay kuna dilay goobtaasi marxuum Maxamed Cali Culusoow oo ahaa nin dhallinyaro ah, waxa ayna burcada dukaanka horey uga sii qaateen lacago iyo agabyo kale.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay baarayaan kiiskan dilka ah ayna gacanta kusoo dhigi doonaan burcadii ka dambeesay dilka muwaadinkan Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogto ah loogu dilaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ka shaqeesta, waxaana dalkaasi lagu dilay boqolaal qof oo Soomaali ah, mana jirto cid iska warsatay dilka iyo dhibaatooyinka dalkaasi loogu geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii Garasbaaley oo la aasay iyo Masuuliyiin janaaso ku tukaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Dugsiyada New Zealand oo Ardayda baraya Nolosha Gabdhaha Muslimiinta ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Taiwan oo Xafiis diblomaasi oo rasmi ah oo ka furatay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---