Allbanaadir.com
NEWS

R/W Xamse oo la wareegay 25 qof oo kamid ah maxaabistii Somaliland laga qabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood, ayaa la wareegay 25 kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii SSC-khaatumo iyo Somaliland, sida lagu shaaciyay War-murtiyeed kasoo baxay Dowladda Federaalka iyo maamulka Khaatumo.

Maxaabiistan oo duruufo gaara ah ka muuqdaan ayaa lagu celin doona qoyaskooda oo ku sugan Somaliland, waxa ayna fure u noqon doonaan in labada dhinac oo maxaabiis badan kala heesta ka shaqeeyaan sidii ay isku dhaafsan lahaayeen.

“Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC- Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkaasi.

 

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Daryanka rasaasta iyo Madaafiicda oo mar kale laga maqlayo Laascaanod

Caydiid Ali

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay hogaanka Ururada Siyaasada?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---