Allbanaadir.com
NEWS

Masuul ka tirsan Sh/hoose oo lagu dilay Ceelasha Biyaha

Waxaa Deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay galabta Guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada ee deegaanka Sabiid

Marxuum Maxamed Xasan Xaamuud (Maqas) ayaa la sheegay iney rag bastoolado ku hubeysan ku dileen goob uu ku sugnaa oo ka tirsan degaanka Ceelasha biyaha.

Ragga dilka geystay oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin al-shabaab ayaa goobta ka baxsaday sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia aya gaaray daqiiqado ka dib goobta uu ka dhacay dilka marxuumka, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano.

Laamaha amaanka DF iyo saraakiisha gobolka Sh/hoose ayaan illaa hadda war ka soo saarin dilka marxuum Marxuum Maxamed Xasan Xaamuud (Maqas)  oo si weyn looga yaqaanay degaanka Sabiid.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay duqeyn ka dhacday Calmiskaad

Cabdi Cade

Galmudug oo xaalad deg deg ah la geliyay iyo howlo badan oo socday oo la hakiyay

Cabdi Cade

Maamulka Bakool oo soo saaray awaamiir ku socota shirkaddaha Dayuuradaha (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---