Wakiilo kala matalaya dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo Nairobi ku kulmaya

Wakiilo kala matalaya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa beri oo talaado ah lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Kulankan ka dhacaya magaalada Nairobi waxaa ka qeyb galaya Wakiilo matalaya dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb noqonaya wakiilo ka socda beesha caalamka.

Dowlada federaalka Soomaaliya  waxaa kulanka Nairobi ku matalaya, agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Somaliland kulanka Nairobi ku matalaan  wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar

Wakiilada ka qeyb galaya Kulanka dhax maraya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa kamid ah safiirka Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland Olgan Bekar, wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.

Kulankan ayaa la filayaa in looga hadlo sida ugu macquulsan ee xal loogu heli karo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo sanado kahor joogsaday, waxaana kulankan  soo qaban qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -