Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Shariif oo si kulul uga hadlau dilkii Taliye Nuur farey

Madawynihii hore Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa u soo jeediyey Taliska ciidanka xoogga dalka iyo madaxda dowladda Federaalka in baaritaan deg deg ah oo daahfuran lagu sameeyo Dilkii loo geystay taliyaha guutada 14a Oktoobar Nuur Farey oo nin hubeysan oo dareys ciidan watay uu toogasho ku dilay maanta.

HOOS KA AKHRISI QORAALKA SHARIIFKA

Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa Qoyska, Qaraabada, Ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u raxmadee Gaashanle Sare Nuur Maxamed Gaabow ( Nuur Farey ) oo ahaa Taliyaha Guutada 14- Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Nuur Farey wuxuu ahaa geesi Qaran oo lahaa karti, daacadnimo, aqoon iyo hoggaamin ciidan isagoo si hagar la’aan ah ugu adeegay Dalkiisa iyo Dadkiisa kahor geeridiisa.

Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa askarta kale ee xoogga dalka ee falkaas wuxuushnimada ah ku geeriyootay, waxaana Alle uga baryeynaa inuu ka aqbalo Shahiidnimadooda, islamarkaana samir iyo iimaan ka siiyo dhammaan ehelka iyo ciidamada xooga

Taliska ciidanka xoogga dalka iyo madaxda dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqayaa in baaritaan deg deg ah oo daahfuran lagu sameeyo falkaan gurracan si cadaaladda loo horkeenno dambiilayaasha soo abaabulay

Related posts

Beesha Caalamka oo soo fara galisay Dagaalka Muqdisho iyo kulamo socda

Cabdi Cade

DFS oo ka digtay Faafinta been abuurka iyo dacaayadaha Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidamada Somaliland oo qabtay Markab iyo Ajaaniib la socotay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---