Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabi Barre  ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan.

Xamse Barre iyo wasiirka ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Imaaraadka ayaa u ballan-qaaday ra’isul wasaare Xamse Barre in dhinacyo badan ka caawin doonaan Soomaaliya, waxa uuna xusay in Imaaradaka sii kordhin doono garab istaaga Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay dowladda Imaaraadka taageerada ay siiyaan Soomaaliya, waxa uuna sidoo kale warbixin la siiyay guulaha ay gaartay dowladda muddadii uu xilka hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyasha Doorashada Somaliland

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo dalabyo adag u gudbisay Madaxweyne Muuse Biixi (Akhriso)

Caydiid Ali

Weerar Qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotelka Tawakal iyo rag hubeesan oo hotelka galay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---