Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weriye ku dhaawacmay qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Qarax gaari lagu soo xiray ayaa goor dhow ka dhacay meel ku dhow wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan war goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir online.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa oo laga maqlay meelo badan uu ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray Weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ah agaasimaha Idaacad lagu magacaabo Hiddo oo ku taalla Muqdisho.

Gaariga agaasimaha ayaa qarxay xili uu marayey xaafad ku dhow agagaarka garaashka Xaaji Baasto oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama meel ku dhow gurigii hore ee Shaqaalaha.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in agaasime Ismaaciil Sheekh Khaliif uu ku dhaawacmay qaraxaas, isbitaalna loola cararay, iyadoo xaaladiisa aan la ogeyn, waxaana burbur uu soo gaaray gaarigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa jira in qaar ka mid ah raggii maanta weeraray Villa Somalia ay nolol ku baxsadeen?

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Dib u dhis lagu sameenayo Wadada Via Roma oo la dhagax dhigay

Cabdi Cade

Wasiir suuxdin la dhacay ka dib markii lagu wargeliyey in xilka laga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---