Maxaa jira in qaar ka mid ah raggii maanta weeraray Villa Somalia ay nolol ku baxsadeen?

War ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay in 12 askari oo ka tirsan ciidanka dowlada ay ku dishay weerarkii isugu jiray qaraxyada iyo tooska ee manta ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyada.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartay in iyagoo bad qaba ay goobta ka baxsadeen qaar ka mid ah raggii weerarka fuliyay sida lagu sheegay war laga sii daayay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka kooxdan.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay weerarradii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo hoteel halkaa ku yaalla oo ay inta badan madaxda dawladdu tagaan. Shan ka mid ah dadka dhintay waxaa la sheegay inay ahaayeen dableydii weerarka qaadday.

Weerarada  ayaa loo adeegsaday laba gaari oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaasoo lala beegsaday bar koontarool oo madaxtooyada laga ilaaliyo iyo hotelka SYL.

Qaraxyada ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay is dhaafsadeen dableydii weerarka qaadday iyo ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -