Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Abaanduulaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Buulo Burde (Daawo Sawirro)

Saraakiil uu hoggaaminayo Abaanduullaha  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta gaaray degmada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha iyo Saraakiisha la socota ayaa kulamo la qaadan doona Saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugan degmadaas, iyagoo kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wafdiga Abaanduullaha ayaa ka soo kicitimay Magaalada Baladweyne oo kulamo ay kula soo qaateen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo Madaxda Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxkamad ku taalla Itoobiya oo xukuntay Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dowlada

Caydiid Ali

Wariye Cabdiraxmaan Yabarow oo la guddoonsiiyey Abaalmarinta Halyeyga

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo mar kale abuuray cabsi ku saabsan soo-galootiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---