Ciidanka NISA oo howlgal xirfadeysan ku soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada nabad sugida ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyey inuu maleegayay Qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Ciidanka Amniga ayaa si xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon, gacanta ugu soo dhigay dhagarqabe Al-shabaab ah oo maleegayay qaraxyo uu ku galaafto nolosha shacab badan” ayaa lagu yiri qoraalka NISA oo aan lagu faahfaahinin goobta iyo sida uu howlgalkan u dhacay iyo magaca ninka la soo xiray.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka waxaa ka socda howlgalo ay wadaan Ciidamada dowlada kuwaasoo ka dhan ah xoogaga Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -