Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Dib u dhis lagu sameenayo Wadada Via Roma oo la dhagax dhigay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) ayaa maanta dhagax Dhigay dib u dhis lagu sameenayo wadada Via rooma ee degmada Xamar weyne.

Waxa uu sheegay Gudoomiye C/raxmaan Cumar Cismaan in maamulkiisa ka go’an tahay sidii dib u dhisi loogu sameyn lahaa qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho ee wali bur bursan.

Gudoomiyaha gobolka ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay Sidii uu dib ugu soo nooleyn lahaa adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool gobolka Banaadir.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa bilaabay dar dar galinta howlaha muhiim ah ee looga fadhiyo, waxa uuna Gudoomiyaha balan qaaday in Gobolka si deg deg ah uga shaqeyn doonaan horumarkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidankii Jubbaland ee isku dhiibay DFS oo diyaarad lagu soo qaadayo lana…

Cabdi Cade

Xog Xasaasi ah oo ku aadan kulan qarsoodi ah oo dhax maray Xasan Sheekh iyo Laftagareen

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Waa sharci daro in Raisul Wasaarihii hore loo diido xil-wareejin”(Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---