Musharaxa ugu Saameynta badan Doorashada Puntland oo Garawe gaaray (Daawo Sawirada)

Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharaxa ugu saameynnta badan ee u taagan xilka Madaxweyne-nimada Puntland ayaa soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, iyada oo ay soo dhaweeyeen boqolaal kamid ah shacabka magaalada Garowe waxaana looga hortagay musharrax Deni meel 20 KM dhanka Barriga ka xigta magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku muujiyeen Shacabka dareenkooda ay ku doonayaan rabitaanka dawladnimo aan laheyn musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo dadweynaha kala hadlay barxadda ay caanka ku tahay caasimadda Puntlad, ayaa shacabka u balan qaaday Isbedelka ay doonayaan…

“Garoowe waxay ku astaysan tahay Taariikhda casriga ah ee Soomaaliya taariikh wanaagsan oo marna aan go’i doonin, waxaa laga doonayaa shacabka Reer Garoowe iyo shacabka reer Puntland inay ilaaliyaan taariikhdaas quruxda badan iyo dowladnimadaas ayna dhidibada u aasaan kana ilaaliyaan turxaan kasta oo ku dhici karta”…

Mudane Denni ayaa sheegay in Xukuumadda Gaas ay ku fashilantay in ay dalkaan gaarsiiso wax badan oo horumar ah, gaar ahaana wixii ay balan qaaday, 20 sanno ka dibna Puntland muran ay galiyeen xaduudaheedii Dastuuriga ahaa oo ay kala dhantaaleen midnimadii Dalka….

“Waxaa nasiib darro ah shantii sano ee lasoo dhaafay, dowladda Madaxweyne Gaas in uusan ku guuleysan in uu horumariyo maamulkii dowladnimo, waxaan ognahay Wasaaradihii oo dhan inay xiran yihiin, waxaan la soconnaa shaqooyinkii Wasaaradaha oo dhan in Madaxtooyada la hoos geeyay, waxaan ognahay mashruucii soo baxaba in meel gaar ah loo leexiyo, waxaa kor u kacay Musuqmaasuqii, waxaa la hunguriyeeyay midnimadii Puntland, waxaa lagu soo xadgudbay xuduuddii dalka, waxaas oo dhan waxaa saldhig u ah hoggaanka maanta jooga oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo”……..

Musharaxa Siciid Deni ayaa sheegay in Xukuumadda Gaas ay is hor istaag ku sameysay Mashruuc ku kacayay 23 Malyan oo lacagta Midowga Yurub ah, taas oo wax looga qaban lahaa helitaanka biyo macaan, xiligii uu ahaa Wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Musharraxu wuxuu ka hadlay maqnaanshaha iyo kala dhantaalida maanta dul-hoganaysa Puntlandtii la wada dhistay 20 sanno ka hor, wuxuuna cadeeyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu yahay ninka bixiyey deegaanka Tukaraq oo u dambeysay.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay in gobolka Sool gacanta Puntland ka maqan yahay, waa ceeb, Madaxweyne Gaas wuxuu yiri “Laascaano Faataxo laguma qabsan” laakiin Innaa Acdaynaa buu ku bixiyay Tukaraq saxna ma’ahan in loo hibeeyo annagoo leh awooddaas ciidan iyo awooddaas dhaqaale”……

Musharraxa ayaa ka hadlay hannaanka Faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Puntland ahayd cidda dhistay dawladda Faderaalka ee hadda jirta, isla markaasna ay ku bixisay Maal, waqti iyo dadaal nooc kasta oo uu yahay, Madaxda hadda joogtaana ay ka been sheegayaan xaqiiqada rasmiga ah ee wada hadalada ay la leeyihiin maamulka dawladda Faderaalka.

Musharrax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa maalmaha soo socda ku sugnaan doona magaalada Garoowe, isagoo kulamo la yeelan doona qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha.
Garoowe, Puntland, Soomaaliya
E-mail:- musharaxdeni@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -