Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Indha-qarshe oo fariin dhab ka hadal ah u diray kooxda Al-Shabaab

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa ugu baaqay Al-shabaab inay joojiyaan dilka iyo weerarada ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Indha-qarshe ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybo kala duwan ee dalka ka mid ah ay ka wadaan howlgalo lagula dirirayo Al-shabaab, isaga oo sheegay in howlgaladan yihiin kuwo la doonayo in lagu soo afjaro kooxdan.

“Waxaan ugu baaqayaa Al-Shabaab inay dagaalka joojiyaan, nabadna qaataan maxaa yeelay dagaalka ay ku jiraan mar walba waxaa ku dhimanaya dadka Soomaaliyeed’’ ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu sheegay in Indha-qarshe ka dowlad ahaan aysan ogeyn sabab waqtigan dagaal macno daro ah loogu laayo dadka Soomaaliyeed oo ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo War kasoo saartay Weeraro ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Booliska Norway oo baadi goobaya Soomaali la tuhunsan yahay in la dilay

Caydiid Ali

Xildhibaanada Kutlada NISA oo xaalku ku xun yahay iyo Go’aankooda oo la sugayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---