Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay khilaafka kala dhexeeya C/wali Gaas

Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey) ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey sababta keentay khilaafka ka dhex aloosan isaga iyo Madaxweynaha Maamulkaas Cabdiweli Maxamed Gaas.

Khilaafka labadani mas’uul oo mudooyinkanba la hadal hayey ayaa soo shaac baxay kaddib markii shalay ay soo kala magacaabeen guddiyo iska soo horjeeda oo loogu tala galay xallinta khilaafaadka iyo xulista Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Camey ayaa ku eedeeyay C/wali Gaas inuu baalmaray hab-raaca magacaabidda guddiga khilaafaadka, uusana kala tashan markii uu magacaabayey taasoo uu sheegay inuu xaq u lahaa.

Waxaa uu sheegay in Cabdiweli Gaas lagu qancin waayay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka taagan, uuna ka door biday inuu keligiis go’aan qaato.

C/wali Gaas ayaan weli ka hadlin khilaafka u dhexeeya isaga iyo ku-xigeenkiisa, wuxuuna Khilaafkan ku soo beegmaya iyadoo mudda yar ay ka hartay xilliga doorashada ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -