Al Shabaab oo War kasoo saartay Weeraro ay ka fuliyeen gudaha dalka Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in weeraro ka fuliyeen deegaano hoostaga gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana weeraradaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ka geesteen deegaanka Sinoow oo hoostaga magaalada Mandheera ay ku dileen sargaal iyo askari katirsanaa ciidamada Kenya.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in gaari xamuul u siday Qaramada Midoobay ay ku gubeen duleedka magaalada Gaarisa, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ay soo qafaasheen labo ruux oo gaarigaasi la socday.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay fuliyeen deegaanka Sinoow ee gobolka Mandheera waxay ku dileen sarkaal iyo askari katirsan dowladda s Kenya, weerar kale oo ay mujaahidiintu ka fuliyeen gobolka Gaarisa waxay ku gubeen gaari xamuul ah oo ay laheyd Q.Midoobay laba qof oo la socotana waa soo qafaasheen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab .

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ka fulisay gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari, ciidamada Kenya ayaana ku guul dareestay in ay ka hortagaan weerarada Al Shabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -