Booliska Norway oo baadi goobaya Soomaali la tuhunsan yahay in la dilay

Booliska gobolka Finnmark ee dalkan Norway ayaa arbacadii bilaabay qoditaanka afaafka hore ee hoolka ciyaaraha Hammarfest, iyagoo sheegaya inay ka baarayaan meydka wiil soomaali ah oo boolisku ay tuhunsan yihiin in la dilay.

Cabdullahi Mohamud Dayib oo ah 23 sano jir Soomaali ah ayaa la waayay dhamaadka bishii Desember ee sanadkii 2020, waxaana ilaa hada aan laga helin wax xog ah oo muujineyso nolol iyo geeri.

Booliska ayaa sheegay inay joojiyeen qoditaankii ay labadii (2) maalmood ee ugu danbeeyay ka wadeen goobtaas ay calaamadiyeen, kadib markii ay ka heli waayeen wax muujinayo in 23-jirka la waayay halkaas meydkiisa lagu qariyay.

Baarayaasha ayaa markii hore sheegay in tuhunsanyihiin in Abdullahi la dilay, halkaasna lagu aasay.

Pettersen oo ah Madaxa baaritaanadda booliska ayaa sheegay in boolisku weli ay tuhunsan yihiin in 23-sano jirka soomaaliga ah lagula kacay fal danbiyeed la isku dayayo in la qariyo.

“Waan sii wadi doonaa baarinaaadda kiiskan, waxaana wareysan doonaan dadka xog-ogeyaal ama markhaatiyaal noqon karo; ayuu yiri.

Cabdullahi oo sanadkii 2011 soo degay Hammarfest, ayaa sida ay boolisku sheegeen waxaa markii ugu war danbeysay ee la hubo aragtidiisa aheyd 18-kii bishii Desember ee sanadkii 2020

- Advertisement -