Shiikh Xasan Daahir oo fariin muhiim u diray dowlada Somalia iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida ahaa hoggaamiyeyaasha Al-shabaab xabsi gurina ugu jira dowladda Somalia ayaa soo saaray video uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo khilaafyada siyaasadeed ee jira.

Xasan Daahir ayaa farriin u diray kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan inay qabiil u adeegsadaan siyaasadda, wuxuuna dowladda iyo mucaaradka kula taliyay inay yareeyaan xiisadda.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayuu ugu baaqay inay ciyaariyaan kaalin wax dhiseysa ee aanay noqon kuwa wax dumiya oo dalka dib ugu celiya burburkii la soo maray

Dhinaca kale Sheekh Xasan Daahir ayaa ku amaanay Ahlu suna in degaanada ay ka taliso ee gobolada dhexe ay nabad ka dhigtay, isla markaana ay heshiis dhex dhigtay beelaha ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

Shiikh Xasan Daahir ayaa xabsi ku jira muddo dhowr sano ah ka dib markii uu ka dhega adeygay ku dhawaaqida inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab oo uu ka tirsanaa inkastoo uu naftiisa kala soo bacsaday hogaamiyihii hore ee kooxdaas Axmed Godane oo ugaarsnanayey rag ka soo horjeeday oo isagu uu ka mid ahaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -