Madaxweyne Deni oo xafiiskiisa ku qaabilay danjire Annett Günther (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka subaxnimadii hore safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Boosaaso, soona Gebagebeeyey safarkiisii taariikhiga ahaa ee Gobolada Karkaar iyo Bari ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi ballaaran oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther iyo wafdiga ee ay hogaaminaysey, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in safarka safiiraddu yahay socdaalkeedii ugu horeeyey ee ay ku tagto meel ka baxsan Muqdisho.

Ugu dambeyn, Ambassador Annett Günther ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay imaanshiyaha Puntland waxayna xustay in mashaariicaha horumarineed ee Dowladda Jarmalku ka fuliso Puntland ay sii socon donaan, iyada oo xustay in wafdiga ay hogaaminayso ay qayb ka yihiin madaxda Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filaayo in wakhti kooban gudihii uu dib u bilaaban doono dhismaha wadadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -