Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in la baarayo dhacdadii Tuulada Gololey

Taliyaha Guutada 3-aad qeybta 27-aad Col. Abshir Maxamuud (Shitaqeey) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga aysan wax lug ah ku lahayn dil sideed dhalinyaro ah loogu geystay degaanka Gololey ee gobolka Sh/dhexe oo hoos yimaada degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Col. Abshir Maxamuud (Shitaqeey) ayaa tilmaamay inay aad uga xun yihiin dhacdadaas lagu laayey dhaqaatiir iyo dad kale oo u adeegayey bulshada.

“Haatan waxaan ku jirnaa baaritaano ku aadan qaabkii loo soo qaban lahaa raggii ka dambeeyay dhacdadaasi, si cadaalada loo horgeeyo” ayuu intaas ku daray Col. Abshir Maxamuud (Shitaqeey).

Waxaa uu xusay in ciidanka Xoogga dalka loo tababaray badbaadinta dhiiga iyo hantida umadda, aysana ka suuragaleynin iney taas bedelkeed laayaan shacabkooda, wuxuuna tilmaamay in laga yaabo falkan iney geysteen gacmo kale, si loo suurad xumeeyo ciidamada xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo ka shaqeesay in Heshiis Xabad Joojin ah gaaraan Falastiin iyo Israa’iil

Cabdi Cade

Mid kamid ah Degmooyinka Muqdisho oo Marti-galineysa musuq maasuq xoogan !!(Gobalka Banaadir)

admin

Hirshabelle oo dalbatay in si shuruud la’aan ah loo fasaxo kursiga Fahad Yaasiin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---