Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dagaal culus oo degmada Diinsoor ku dhax maray Al Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee saldhig ku leh degmadaasi iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday madaafiic Al Shabaab ku garaaceen saldhig duleedka degmada Diinsoor ku leeyihiin ciidamada Itoobiya, waxaana madaafiicda kaddib ciidamada Itoobiya oo saldhiga kasoo baxay dagaal kala kulmeen Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa maqlayay daryanka rasaasta culus ay is dhaafsanayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana dagaalka labada dhinac dhax maray socday daqiiqado badan sida aan wararka ku helnay.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay dagaalkan dhax maray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al Shabaab, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weeraro madaafiic iyo kuwa toos ah ku qaada saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku leeyihiin qaar kamid ah degmooyinka dalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=DJ8R1bAvKKQ

Related posts

Abuu Mansuur oo ka hadlay lacag Malaayiin Dollar ah oo lagu eedeeyay in uu xaday

Cabdi Cade

Xukun Dil ah oo lagu riday Cumar Muxudiin iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo War ka soo saaray shirka wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---