Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahino ka soo baxaya Qarax dad badan ku dilay duleedka Magaalada Jowhar

Ugu yaraan Afar qof oo rayid ah ayaa geeriyooday kadib markii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay la qaraxday miino waddada lagu aasay, duleedka magaalada Jowhar.

Qaraxan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshooley oo ku taalla meel u dhexeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha oo ku yaalla banaanka magaalada.

Dadkan qaraxa ku dhintay marka laga reebo wadaha mootada, inta kale waxay ahayeen ganaacsato caan ka ah magaalada Jowhar. Lama oga cida lala damacsanaa qaraxan Jowhar, sidoo kalena ma jirta koox iyo illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda.

Magaalada Jowhar waxaa dhowaanahan ka dhacay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo si adag uga hor yimid taliye ay dalacsiisay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Isbeddel ku yimid Luuqada adag ee Mareykanka & Yurub ku wajahaan Iran

Caydiid Ali

Munaasabad heer sare ah oo loo qabtay arday ka qalan jabisay Jaamacada Jamhuuriya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---