Qorshe lagu bur burinayo Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu socdo

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka  ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu bur burinayo Baarlamaanka Federaalka si meesha looga saaro isla xisaabtan.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Cosoble in Xukuumada Soomaaliya ay dooneyso in meesha laga saaro Warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada, waxa uuna ku eedeeyay Xukuumada in handadaad iyo dhaqaale u adeegsaneyso baabi’inta Warbixinta .

Xildhibaanka ayaa xusay in uu socdo qorshe xoogan oo lagu doonayo in lagu bur buriyo jiritaanka Baarlamaanka, waxa uuna ka codsaday Gudoomiyaha golaha hacabka in uu bad baadiyo jiritaanka Baarlamaanka .

” Haddii aan lagu fakan Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu badbaadin, waxaa socda qorshihii lagu burburin lahaa Baarlamaanka, Gudoomiyaha hadii qorshaha la rabo ku raaci waayo waxaan ka cabsi qabaa in lala diriro oo sidii Jawaari meesha looga saaro ” Ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka buuqa looga dhax furay Baarlamaanka uu yahay sidii fadhiid looga dhigi lahaa howlaha Baarlamaanka Federaalka meeshana looga saari lahaa isla xisaabtanka.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaan kulmin mudo isbuuc ah kadib kala diristii Guddiga maaliyada iyo miisaaniyada Golaha shacabka oo soo saaray warbixin muran badan dhalisay oo lagu sheegay in Wasaarada maaliyada wax isdaba marin sameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -