Gaari Dameero Raashin u waday Degmo Go’doon ku jirta oo la gubay (Sawirro)

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay gubeen gaari dameero raashin kala duwan u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool oo kamid ah deegaanada ay Al Shabaab go’doomiyeen.

Gaari dameeradan ayaa jidka loo galay xili ay socdeen duleedka degmada Waajid, waxaana raga hubeesan ee qabtay gaari dameeradeen dab qabadsiiyeen gaaridii raashinka ku rarnaa halka ay toogteen qaar kamid ah dameerihii.

Cutubyo ka tirsan qeybta 60-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta gaari dameeradan lagu gubay si ay ugu gurmadaan, waxa ayna ciidamada goobtaasi ugu tageen gawaaridii oo la gubay iyo dameerihii oo qaarkood meyd ah.

Al Shabaab ayaa go’doon galisay degmada Waajid iyo deegaano kale oo katirsan gobolka Bakool, waxa ayna Al Shabaab marar badan gubeen gaari dameero raashin si qarsoodi ah ku geenayay degmooyinka Waajid iyo Xudur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -